Daawo Sawirrada: Imisa qof oo American ah ayaa ku dhintay qaraxii Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa sii kordhaaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha Qaraxa ayaa waxaa sii kordhiyay burburka ka dhashay Qaraxa ee ka dhacay Hoteel Safaari iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku jiraan qurba joog dhowr ah oo qaarkood ilaa iyo hadda la la’ yahay, halka qaarna la helay hilbahooda.

Inta ilaa iyo iminka la ogyahay waxaa ku dhintay Qaraxa 7 ruux oo ka imaaday qurbaha oo saddex kamid ah ay heystaan dhalashada Mareykanka.

Saddexdan ruux ee somali-mareykanka ah ayaa lagu kala sheegay:

1-Abukar Dahie oo ku noolaa gobolka Virginia.

2-Ahmed Abdikarim Eyow oo isna ku noolaa gobolka Minnesota.

3-Mohamoud Elmi oo isna ku noolaa gobolka Ohio.

Marxuumada kala ah Abukar Dahie iyo Mohamoud Elmi ayaa waxa ay kamid ahaayen shaqaalaha dowlada, waxaana ay ka kala tirsanaayeen wasaaradaha ganacsiga iyo tan gar-gaarka ee dowlada.

Marxuumka Seddexaad oo lagu magcaaabo Ahmed Abdikarim Eyow ayaa magaalada Muqdisho u joogay fasax iyo inuu la damaashaado eheladiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku dadaaleysa xal u helida meydad dhowr ah oo ilaa iyo hadda ku maqan dhismooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com