28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Arag Sawirrada: Muddo 5 sano kadib, Kenya oo u ogolaatay Soomaali in ay…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa falal Burcad Badeednimo, isla markaana ku xirnaa Xabsiyada qaar ee Wadanka Kenya ayaa la sii daayey, kadib markii ay dhameysteen Xukunadoodii.

Todobo ruux oo horaanta sanadkii 2008-dii ay ciidamada Badda ee wadanka Spain ay gacanta ku dhageen xilli ay ku howlanaayeen sida la sheegay ugaarsiga Maraakiibta goosha Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Burcad Badeeda ayaa dib uhelay Xoriyadoodi,i kadib markii ay soo dhameysteen Xarig Shan sanadood ahaa oo ay kolhore ku riday maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Afar ka mid ah Kooxdani ayaa ku xirnaa Xabsiga Shimo la Tewa ee magaalada Mombasa, halka sadexda kalena ay ku xirnaayeen Xabsi ku yaala magalada caasimadda ee Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Waaxda Socdaalka Kenya ee Immigration-ka loo yaqaan lagu wareejiyey raggani si ay ugu masaafuriyaan dalka Soomaaliya, balse safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Kenya ayaa Xusul duub ugu jirta sidii gacantooda loo soo gelin lahaa, maadaama ay iyadu ka mas’uul tahay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya.

Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa Warbaahinta u sheegey in Dowladda Kenya ka codsadeen inay gacantooda ku soo simaan Maxaabiistani, si Safaaradda Soomaaliya ay ugu shaqeyso qaabkii dib loogu celin lahaa gudaha Soomaaliya.

Sanadkaan bilowgiisii ayay ahayd markii uu Danjire Maxamed Cali Ameerika uu ku booqaday maxaabiistan Xabsiga Shimo La Tewa ee Magaalada Mombasa,isagoo xilligaas sheegey in dowladda Kenya ay kala hadleen sidii Maxaabiista Soomaaliyeed loogu celin lahaa Wadankooda Hooyo Maadaama buu yiri laga baxay ku meel gaarnimadii oo ay iminka Soomaaliya haysato Dowlad buuxda oo Federaal ah.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Burcad Badeed Soomaali ah lagasii daayo xabisyada dalka Kenya, iyadoona tani ay kusoo beegemeyso waqti ay sii yaraanayaan falalka afduub ee Shufta Badeedka Soomaaliya.

america 1america 2america 3

W/Q: Abdulkadir Jeylani Abukar
Mombasa, Kenya

- Advertisement -

Read more

Local News