25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo sawirro cajiib ah: Dib u dhis ka socda suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dayactir xooggan oo laami lagu saarayo wadada u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Baar Ubax ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Mashruucaan oo qeyb ka ah barnaamijka la magac baxay diso dalkaaga oo maamulka gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay si bilicda Muqdisho ay dib ugu soo noqoto.

Maamulka degmada Howl-wadaag ayaa soo dhoweeyay dhismaha wadadan oo uu xusay inay qeyb weyn ka qaadaneyso bilicda Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga Koofurta Soomaaliya.

Dhinaca kale Ganacsatada Suuqa ayaa iyana tilmaamay in tani ay wax weyn ka bedeli doonto muuqaalka suuqa iyo in wadada suuqa bakaaraha ay noqdaan kuwo laami ah.

bakaaro1bakaaro2bakaaro3bakaaro4bakaaro5bakaaro6bakaaro8bakaaro7

 

- Advertisement -

Read more

Local News