Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Gaari Caasi ah, kaasi oo Habeenimadii xalay laga dhextuuraayay Hoobiyayaashii lagu duqeynaayay magaalada Muqdisho.
Gaarigaani ayaa waxaa lala qabtay tirro maleeshiyaad ah kuwaasi oo ahaa kuwii tuurtuuraayay Hoobiyayaasha, waxaana xusid mudan in gaarigaasi uu ahaa kii muddo 2 asbuuc lagu fulinaayay dilalkii ka dhacaayay magaalada Muqdisho.
Gaarigaani ayaa waxaa la socday maleeshiyaad ku hubeysnaa qoryaha AK47 iyo PKM, waxa uuna gaarigaasi ahaa kii Seddex maalin un ka hor lagu laayay ilaalada Xildhibaanka iyo Saraakiil kale.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA