Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, iyadoo gudaha iyo banaanka sare ee Garoonka lagu arkayaa Ciidamo aad u farabadan oo xaqiijinaayo amaanka.
Garoonka ayaa waxaa la dhigay qalabka lagu baaro dadka iyo boorsooyinka, waxaana sidoo kale la amray in dadka wata Boorsooyinka lagu adkeeyo baaritaanka si aan u dhicin fal argagixiso.
Dadka ka dhoofaayo Garoonka ayaa inta aysan dhoofin la amray inay maraan ku dhawaad 7 goob oo la sheegay in lagu sii baarayo iyaga iyo Boorsooyinka ay wataan.
Maareeya Garoonka ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin Moobeelada iyo Computarada laabtoobka, waxa uuna sheegay in dad gaar ah loo tababaray ka hortaga weerar argagixiso.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA