Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale caawa si toos ah ka hadlay arrinta dhulka, isagoo sheegay inuu aad uga xunyahay in dowladda Soomaaliya oo looga baahnaa inay difaacdo dalka iyo dadka ay maanta ku mashquulsan tahay barakicinta shacabka.
Shariif ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool ay waayeen hooy, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka barakicisay dhulkiisii, sida uu hadalka u dhigay.
“Qofku markii uu hoy waayo oo qoyskii meel deganaa uu waayo meel uu ku asturmo waa dhibaato rasmi ah oo soo food saartay, ka warama kumanaan qoys hadii xaaladaas lagu qasbay, arrintaas suurtagal maaha, qof wax gartana ma sameyn karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu farriin u diray dowladda, ganacsatada iyo ciidamada “waxaan idin leeyahay ka fogaada waxaad ku howlan tihiin, xafkeedii waa dhaaftay, maanta waxay joogtaa nin wax lahaa iyo nin aan wax laheynba in dhibku gaaray,” ayuu yiri.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh ayaa sheegay inuu hoosta ka xariiqayo in dalkaan uu shacabka Soomaaliyeed leeyahay, “dowladdu dadka ayey maamushaa, dhulkeeda hadii ay ka maaran tana shacabka ayey siisaa, marka dowladu dhul ma kala gado, ee dalka waxaan ka joojiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Sheekh Shariif, ayaa shacab uu caawa la kulmay u sheegay in mucaaradku ay talo isugu laabanayaan, kadibna ay ku soo warcelinayaan, si go’aan wadajir ah looga gaaro dhul boobka ay dowladdu ku lug yeelatay ee ka socda Muqdisho.
Mucaaradka ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga hadlay arrimaha dhulka, balse dowladdu dheg-jalaq uma siiso, waxaana sidii ku socda barakicinta dadka Muqdisho ee degan dhulka danta guud.
Hoos ka daawo Sheekh Shariif