28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Daawo: Shariif oo kashifay arrin DF ay ku qarineyso xarigga iyo hanjabaadda…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay handadaad uu sheegay in dowladda federaalka ay ku bilowday dadka ka eedeeya warbaahinta, isagoo hoosta ka xariiqay hal arrin oo dowladda aysan mucaaradku ka aqbali doonin.

Sheekh Shariif, oo ku hor maray arrinta aysan dowladda ka aqbali doonin ayaa sheegay in muddo kororsi uusan dalkaan ka dhici doonin, isagoo uga digay dowladda inay ku fekerto inay sii joogto waqti ka badan afarta sano ee loo ogolyahay.

“Madashu waxay hoosta ka xariiqeysaa in aan la ogolaa doonin muddo kororsi, dadka maqan iyo kuwa jooga hala isku yimaado, hana la wadahadlo, si loo qabto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Shariif ayaa ku baaqay in doorashada loo fasaxo maamul goboleedyada waqtigu ka dhamaaday ee ‘dowladdu ka hor taagan tahay doorashada’ “Waa in dalka laga qabto doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaa heshiis lagu yahay in afartii sanaba mar doorasho heshiis lagu yahay ay dalkaan ka dhacdo waqtigana la ilaaliyo, marka waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in horay u socodka dalkaan ay ku jirto in doorashada waqtigeeda lagu qabto.”

Intaas kadib, Sheekh Shariif wuxuu galay arrinta la xiriirta cagajugleynta iyo xarigga ay dowladdu bilowday dadka ka cabanaya waxa uu ugu yeeray ‘dhul boobka.’

“Waxaa aad u soo batay dacwooyinka ka imaanaya dadka codkooda baahiya ee dhibanayayasha ah ee ka cabanaya, inay hadadaad iyo xarig la kulmaan, sida Nabadoon Xaadoole oo weli xiran, marka cadaadiska iyo cabashadu waxay ka dhasheen barakicinta bulshada oo ka baaxad weyn intii aan maleyneynay,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhulka dowladda oo kaliya aan la xaraasheyn ee dhulkii shacabka lagu darsanayo, sida uu hadalka u dhigay, “Waa nasiib darro sida dowladdu ay u fekereyso,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News