25.5 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Daawo: Shariif oo lacag ugu deeqay Xasan Sheekh habaryartiis kadib markii..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo uu soo qaban qaabiyay xisbigiisa Himilo Qaran ayaa lacag kun dollar ah ugu deeqay Maamo Fowsiyo oo sheegatay inay Habaryar u tahay Madaxweye Xasan Sheekh, uuna ka barackiyay gurigii ay daganeyd.

Maamada oo ka hadashay kulanka Xisbiga Himilo Qaran oo looga hadlayay dhul boobka ayaa ku hor ilmeysay Sheekh Shariif iyo madaxdii kale oo kulanka fadhisay, waxayna sheegtay in dhibaatada loo gaystay ay ku kaliftay inay ka dawarsato baraha bulshada.

“Waxaan ahay Maamo Fowsiya Media-yaha wax badan ayaan ku ooyay Tiktok-na aan ka dawarsaday, maanta Xasan Sheekh cidna igama xigto hooyadii dhashay oo barbaarisay walaasheed ayaan ahay, waligey qabiil kuma hadlin caawa waxaa iga keentay shucuurteyda” ayay tiri maama Fowsiya oo ka hadashay kulanka Xisbiga Himilo Qaran.

Intaas kadib waxaa maamada soo garab istaagay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu deeqay lacag kun dollar ah iyo lacagta ijaara guriga oo joogta ah.

“Maamada waad arkeysiin shucuurta ayaa ka adkaatay, runtii dalkan dulmiga ka jira waxyar oo kamid ah waayay, xisbiga waxa uu go’aansaday familkan inuu ugu deeqo kun dollar, gabadha waxbarashadeedana uu ku bixiyo kun dollar 150 joogta ah oo ijaarka ahna bixiyo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waa lagu garab taagan yahay kaligaa maahid xuquuqdaadana waa lasoo dhicinaa, Insha allah”.

Dhankiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo isna hadalka qaaday ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay inuu ka xishoon waayay xigtadiisa iyo dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee uu barakiciyay.

“Habaryartaa ayaa ka oysiisay, waxaad kaloo ka oysiisay adaygii adeerkaa ahaa car anaga nagu dar, ma rabno qiyaali dagaal sokeeye ma rabno nabad ayaan rabnaa” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan mucaaradka ay abaabulayaan dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha iyo dowladdiisa, kaas oo qorshuhu yahay inuu Khamiista ka dhaco saddex goobood oo ku yaala Muqdisho, kuwaas oo kala ah Dayniile, Tarabuunka & Siinaay.

Si kastaba, Ujeedka dibadbaxa  ayaa ah mid looga soo horjeedo DFS uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaalay caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News