25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Daawo: Shariif oo shirka Kismaayo digniin culus uga soo diray Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhagaha ka fureystay tallooyinkii ay u jeediyeen.

Shariif oo ka hadlayay furitaanka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu kusii socdo wadada uu haatan hayo, oo dalka ku ridi karta god madow.

“Soomaaliya waxay kusoo caano maashay tallo, haddana talladii ayay taagan tahay. Waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha dalka oo intaas goobjoog soo ahaa inuu maanta dhagaha ka fureysto tallada dadka Soomaaliyeed, waxgaradka iyo siyaasiyiinta,” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay wax ka beddelka dastuurka oo uu sheegay in laga leeyahay dano guracan oo shaqsi ah. “Dowladnimo waxay ku dhisan tahay dastuur iyo heshiis qoran,” ayuu yiri.

“Waxaan wada ognahay dastuurkii xaaladiisa meesha ay mareyso, asbaabta keentay in dastuurka la beddelana waa in la helo hanaan gacan maroojis ah oo xalaal aheyn oo lagu joogo xukunka, taas umaddan hadey aqbaleyso maanta xaaladda sidan ma ahaateen.”

Shariifka ayaa tilmaamay in uusan Madaxweyne Xasan Sheekh kala dhaxayn wax shaqsi ah, balse ay kala dhaxayso shaqo qaran, isla markaana ay isku hayaan sixitaanka qaladaadka dowladda iyo wanaajinta dowladnimada.

“Waxaan uga digaynaa madaxda qaranka inay kasoo laabtaan aragtidiis, usoo laabtaan wanaaga, dowladnimada, wadajirka umadda Soomaaliyeed oo kow iyaga mas’uuliyadooda ah,” ayuu yiri Shariifka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aysan kasoo horjeedin in doorasho qof iyo cod lagu qabto magaalada Muqdisho, balse hanaanka doorasho ee socda uusan aheyn mid sharci ah, oo loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News