Daawo: SHIINAHA oo hal arrin oo xasaasi ah uga digay madaxweynaha Somaliland

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Shiinaha ayaa hal arrin uga digtay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, taas oo ku aaddan xiriirka kala dhexeeya Taiwan oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay.

Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Amb. Wang Yu oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa si adag uga hadlay xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan, wuxuuna sheegay inuu cambaareynayo tallaabooyinka noocaas oo kale ah.

Wang Yu ayaa shaaca ka qaaday in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, isla markaana aanay ogolaan doonin, sida dal oo kale in loola macaamilo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Danjiruhu inay qaadayaan tallaabooyin cadaadis lagu saarayo maamulka fadhigiisu Hargeysa, si uu uga hakado xiriirka Taiwan.

“Waxaa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha, waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka, taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah,” ayuu wareysiga ku yiri Mr. Wang Yu.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay isku garab siinayaan gooni istaag, balse ay ka digayaan in lagu sii socdo waddadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwadda siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi,” ayuu mar kale yiri safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Danjire Wang Yu wuxuu carabka ku goday in dhanka kale ay xoojinayaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, ayna taasi beddelkeeda ka hortegayaan tallaabooyinka Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii sare loogu sii qaadi lahaa xiriirka xooggan ee kala dhexeeya maamulka Taiwan oo isku dano ay yihiin marka loo eego marxaladda ay wada marayaan.