Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa caawa shir xasaasi ah uga furmay hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeyb-galeen dhamaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga arrinsanayaa hanaanka doorasho ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iskugu jira ganacsato, haween, dadkii laga barakiciyay dhulalkii dowladda iyo dadweyne kale, kuwaas oo qeyb ka ah dadka ku qanacsan aragtida mucaaradka.
Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay mid mucaaradka uu ku aruurinayo aragtida dadweynaha, kuwaasi oo lagu dari doono shirweynaha Golaha Mustaqbalka oo dhawaan ka dhici magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka caawa ka furmay hoteel Jazeera ayaa waxa uu si cad u sheegay in aan waqtiga u dhiman dowladda Xasan Sheekh aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod.
“5 bil ayaa ka dhiman waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh. Dalka xilligaan kama jiro amni lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Waxa uu intaas kusii daray: “Nasiib darro madaxda dowladda federaalka oo ay riixayaan dano gaar ah ayaa laalay dastuurkii iyaga lagu doortay ee jaangooyay muddo xileedkooda, welina dadka Soomaaliyeed heshiis kuma aha waqtiga, nuuca iyo hanaanka doorashada dalka.”
Shirweynaha Kismaayo oo muddo dheer ay qaban-qaabinayeen mucaaradka ayaa lagu wadaa inuu furmo toddobaadkan, haddii uusan isbeddel ku iman.
Ujeedada ugu wayn ee shirkan ayaa ah in la helo aragti dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin iyo hannaan doorasho oo hufan oo suurtagal ah, keeni karana wax ka wanaagsan wixii ka horeeyey ee ah in khilaafaadka lagu xalliyo.
Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana qorshuhu yahay in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.
Shirweynahan ayaa la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka , xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan.
Hoos ka daawo muuqaalka

