Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa la gaarsiiyay meydka allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qotte) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka.
Meydka shiikha oo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo keentay diyaarad gaar ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha looga qaaday kolonyo gaadiid ah, waxaana marka hore la geeyey masjidka Xamsa ee magaalada Kismaayo halkaasi oo salaaddii jimcaha kadib lagula tukatay salaaddii jinaasadda oo ay Boqolaal dad ah ka qeyb galeen.
Waxaa Sheekha lagu aasay Qabuuraha Baar Caleen ee magaalada Kismaayo iyada oo ay aaska ka qeybgaleen culumo iyo dad weyne aad u badan waxa ka hadlay Sheekh Axmed Dhicis oo kamid ah culimada magaalada Kismaayo oo dadka ka codsaday in ay cafiyaan una duceeyaan Marxuumka oo ahaa sheekh Culumta Diinta baray dad badan.
Waxaa ka hadlay Sheekh Ahmed Siiro oo ah wiil uu dhalay Sheekha dhintay waxa uuna xusay Siiro in aabihii ahaa qof wanaag jecel diintana Faafin jiray isaga oo ka mid ahaa Culumada u sitaagtay Faafinta diinta xili Soomaalidu aysan aad u fahmin Raacashada Culuumta Diinigaa marka laga tago Dugsiyada Qur’anka.
Sheekh Xasan Cali oo isna ah Wadaad uu dhalay Sheekha kana raacay Meydka aabihii dalka Maraykanka ayaa Taariikhda Aabihii koobay oo xusayna in aabihii uu xili hore isaga oo nool codsaday in dalkii lagu celiyo lakin waqtiga oo qornaa dartiis uu sii xanuunsaday markaa kadibna uu yiri “Hadii aan dhinto yaan la igu aasin Maraykan ee dalkaykii iyo Kismayo ha la i geeyo” Anagana wan fulinay balantii aabeheen.
Sheekha waxa uu dhalay Rag Culumo iyo aqoonyahno isugu jira oo ay ka mid yihiin.
Sheekh Maxamed Diini Sheekh Cali oo ah wiil dhalinyaraa oo siweyn loo yaqan diintana ku faafiya Caalamka waliba habka Casrigaa ee iminka jira.
Sheekh Axmed Siiro oo Soomaaliya laga yaqaan gaar ahaan Jubbooyinka,
Sheekh Xasan Sheekh Cali ,
Aqoonyahan C/rashiid Sheekh Cali,
Ganacsade C/risaaq Sh/Cali iyo dadkale oo Rag iyo Dumar isugu jira waxana sheekhu Fooda sii galinayay Cimri ahaan 70 sano.
Allaha U naxariisto Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qotte) Eheladana samir alaha ka siiyo.
DAAWO VIDOI IYO SAWIRO