Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ogolaatay kaniisad laga furay magaalada Hargeysa taasoo ay ku cibaadeystaan dadka hays mad-habra diinta Katooliga, iyadoo haweeney ajaaniib ah oo lagu magacaabo Marianne Vecchione ay ku dhawaaqday in Somaliland dib looga furay Kaniisad muddo 30 sano halkaas ku tally.
Marianne ayaa sheegtay in maamulka Somaliland ay dalnimadooda ay muhiim u tahay in dadka Kirishtaanka ah loo ogolaado meel ay ku cibaadeystaan.
“Dowladda ayaa xaqiiqsaday in dalnimadooda ay muhiim u tahay in Kirishtaanka loo ogolaado meel ay ku caabudaan mad-habtooda Katologa, sidaasi awgeed dowladdu waxay noo ogolaatay inaan dib u furno xarun Kirishtaanka ay ku cibaadeystaan” ayey tiri Marianne Vecchione oo Somaliland u timid furitaanka kaniisadaas.
“Asalkeygii hore waxaa aan Somaliland u imid hawl mutadawacnimo ah taas oo ah kaniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay magaalada Hargeysa taas oo xidheyn muddo 30 sanadood ah ” ayey tiri Marianne Vecchione.
Maamulka Somaliland ayaa arrintaan wax war ah kasoo saarin arintaan ay sheegtay haweeneydaan, waxaana soo xoogeysanaaya qeyla dhaanta culimada ee ku aadan halista kaniisadaan ay bulshada u keeni karto.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]