27.9 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Daawo: Maxaa kala qabsaday Kheyre iyo madaxda IGAD? “R/Wasaarihi Farmaajo sow ma tihid? maya, “Naarta Af-Soomaali maxaa lagu yiraahdaa?”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gelinkii dambe ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka soo qeyb galay Shir Madaxeedka IGAD ayaa ka warbixiyay Dhacdooyin cajiib iyo run sheegid badan uu kala soo kulmay Madaxweynayaasha Uganda iyo Suudaan.

Xasan Cali Khayre ayaa markii uu ku soo laabtay Magaalada Muqdisho wuxuu durba kulan la qaatay Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool magaalada, waxa uu uga sheekeeyay xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo sida caalamka ula yaaban yahay umadaan walaalaha hadana is dileysa.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka sheekeeyay waxa dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.

“waxaa inoo soo galay Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni, wuxuU igu yiri sow ma tihid Ra’iisul wasaarihii Farmaajo? Waxaan ku iri maya ee waxaan ahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, markaas ayuu i yiri sow Farmaajo kuma magacaabin haa ayaan ku iri”

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda uu weydiiyay suaalo aad u adag oo ku saabsan sababta Soomaalida wali isku dileyso wuxuuna yiri

“Hadii aad Soomaali tihiin oo aad isku af tihiin oo aad isku dhaqan tihiin oo aad isku diin tihiin ma garanaayo si aan kula hadlee Naarta afsoomaali maxaa lagu yiraahdaa, qaar ka mid ah wasiiradii ila socday ayaa yiri Naar qaarkoodna waxay dhaheen Jahanamo, markaas ayuu yiri 30-sano waxaad dileyseen umadiina miyaadan ka baqeyn inuu ilaah idin ciqaabo maadaama caruurtiisa aad dileysaan”

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka sheekeeyay dhacdo kale oo saameyn leh uu kala soo kulmay Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir wuxuuna yiri

“Maalintii ku xigtay waxaan la kulanay madaxweynaha Suudaan, markuu na salaamay uu na soo dhaweeyay ayuu na yiri, Soomaaliyeey waxaa tihiin isku diin isku dhaqan iyo isku af maxaa idin heysta? Wax aan ku jawaabno ayaan garan waynay isaga ayaa yiri aniga ayaa idin kaga jawaabaya, qabiil baa madaxa idinka galay”

- Advertisement -

Read more

Local News