Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King oo bixiyay wareysi cusub ayaa walaac xooggan ka muujiyay jabsashada nidaamka e-Visa.
Danjiraha ayaa sheegay in dhacdadan ay keentay in Dowladda Ingiriiska ay si dhab ah ugala howl-gasho arrintaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ammaanka nidaamka.
“Sidaan hore u sheegnay waxaan ka walaacsanahay jabinta xogta, waayo xog shaqsiyadeed ayaa ku faafay baraha bulshada iyo meelaha kale ee warbaahinta,” ayuu yiri Danjire Charles.
Waxa uu intaas kusii daray “Laakiin mudnaanta hadda waa in la fahmo sida ay arrintan hadda u dhacday, dabadeedna cashiro looga barto si loo hubiyo inay markale u dhicin dhibaatooyinka dhacay.”
Safiirka ayaa sheegay in xiisadda ka dhalatay nidaamka e-Visa ee u dhaxeysa Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u baahan tahay in mas’uuliyiinta Muqdisho iyo Hargeysa ka wada-hadlaan, ayna ka gaaraan isfaham.
“Waxaan aaminsanahay in wada-hadal iyo isfaham dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa ay muhiim u yihiin arrinta e-Visa, nabadda iyo sidoo kale guud ahaanba,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay taageero ka geysaneyso wada-hadal dhab ah oo dhex-mara Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siinayso sugida amniga nidaamka fiisaha elektaroonigga ah.
Si kastaba, safiirka ayaa ka gaabsaday in hirgelinta nidaamka e-Visa ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, sida ay hore u sheegtay Somaliland, oo ayadu ku tilmaamtay mid ay Muqdisho cadaadis hor leh ku saareyso Hargeysa.
Tan iyo markii ay soo baxday jabsashada e-Visa, Dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in xog muhiim ah laga jabsaday nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya, maalin kadib markii uu Mareykanku soo saaray digniin taas la mid ah.
Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “tuhunno la aamini karo” oo ku saabsan in jabsi dhacay lagu kashifay xogta shakhsiga ah ee ugu yaraan 35,000 oo qof oo safar ahaa.
14-kii November, Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO) ayaa cusbooneysiiyay taladiisa safarka ee rasmiga ah. Taladaas waxay si toos ah farta ugu fiiqaysaa digniintii Safaaradda Mareykanka ee soo baxday November 13.
Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxo wax jabsada (hackers) ayaa u dhacay nidaamka e-visa-ha taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd November 11. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.
Waxay digniintu sheegtay in xogaha banaanka u soo baxday ay ka mid yihiin “magacyada dadka fiisaha codsaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada email-kooda, xaaladdooda guur, iyo ciwaannada guryahooda.”
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay “inaysan awoodin inay xaqiijiso in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay jabsiga.” Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in qof kasta oo codsaday e-visa-ha Soomaaliya “laga yaabo inuu saameeyay.”
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya io maamusha nidaamka e-visa-ha, ayaa dhankeeda xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay inay qaaday tallaabooyinka muhiima, iyadoo sheegtay in ay baaris qoto dheer ku sameynayso dhacdadaasi.
Hoos ka daawo muuqaalka

