New York (Caasimada Online) – Waa qayb ka mid ah khudbad (Lecture) ka dhacay November 2015, Syracuse university, New York, dalka Mareykanka. Waxaa bixiyay Ken Menkhaus (Professor of Political Science).
Waa aqoonyahan Soomaaliya wax badan ka qoray, kana yaqaana waxayna saaxiibo ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay inay baaris wada qoreen, una rajeynayo horumar, balse dowladiisa uu sheegay inay wax horumar ah sameynin.
Khudbaddan waxay ku saabsaneyd xaalada Soomaaliya, waxaa xiiso lahayd inuu ka hadlay qorshaha Itoobiya ee ah inay Biyo xireeno ka sameysato Webiyada Shabelle iyo Jubba oo gobolka u dhoofiso awoodda Korontada, taasoo uu ka digay inay keeni doonto inay guraan webiyadaasi oo Soomaaliya u ah halka ay quudka ka helaan, aadna uga welwelsan yahay arrintaasi oo aan hadda dhibteeda muuqan laakiin uu sheegay inay mustaqbalka soo bixi doonto.
Khudbaddan oo dheer gebi ahaanteeda wuxuu professer-ka kaga hadlayaa dowladaha dibadda ee faraha kula jira arrimaha Soomaaliya iyo ujeedooyinkooda kala duwan.
DAAWO VIDEO