Daawo Video: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciida-Carafo, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Masjidka Isbaaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, ayada oo aysan ciidan kala soo qeyb-galin Madaxda sarre ee dalka oo hore bulshada ugala qeyb-gali jiray dukashada salaadda ciida.

Sidoo kale waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Munaasibadda Ciidal Carafo ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.