Adduunka intaad ku nooshahay maalin kasta wax kaa yaabiya ayaad arkeysaa. Arrintan waa ay ka yaabisay Caasimada Online ee adinkuna nala yaaba. Waa wiil yar oo u dhashay dalka India, oo illaah siiyay awood caqliga ka baxsan. Inkasta oo aynan helin da’diisa rasmiga ah, haddana waxaan ku qiyaasnay inta u dhaxeysa 13-15. Waxa uu awoodaa inuu dhabarkiisa ku jiido Baabur yar, waxaa taas ka darran, kama muuqato wax xooganaan ah oo waa miskiin yar oo caato ah.