Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Koonfur Galbeed ka socda iyo waxa xiga + Video

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa weli ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed, kaas oo u dhexeeyo maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka ku ah ee maamulkaasi.

Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo la hadlay Telefishinlka Universal ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay shirka ka socdo Baydhaba iyo natiijada illaa iyo hadda laga gaaray, maadaama wada-hadalladu galeen hal todobaad.

Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in wejiga koowaad ee shirka uu weli socdo, isla-markaana looga hadlayo tabashada mucaaradka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay.

“Maalmahan waxaa socday wejiga koowaad ee dib u heshiisiinta oo looga hadlayey tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Maxamed xuseen Xasan (Joon).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad oo ah mid muhiim ah la guda-geli doono todobaadka soo socdo, isla-markaana looga hadli doono arrinta doorashada.

“Arrinta ku saabsan siyaasadda iyo doorashooyinka waa innoo dhiman tahay, waana ku ballan sanahay in la galo isbuuca soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Joon ayaa sidoo kale xusay in waxa shirka kaliya ay noqon doonto in la jaan gooyo doorashada, si looga gudbo xiisadda kala dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

“Waxaan rajeyneynaa muddo xileedka madaxweynaha sida uu u dhammaaday, isla-markaana doorasho lagu jiheyn doono gogoshaas” ayuu markale yiri.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirto xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi, kadib markii ay isku qabteen madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ah.