25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DAAWO: Waraysi kulul oo lala yeeshay gudoomiyaha maxkamada dare ee dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, oo wareysi gaara siinaayay HCTV ayaa ka hadlay cadaaladaha laga filaayo inuu ka hirgaliyo dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in Maxkamadu ay hoostagan Maxkamado badan, sidaana ay ku noqotay mid loo xushay qaadista dacwada iyo dhaqan galinta cadaalad hufan.

Waxa uu sheegay in dacwadaha ugu badan ay noqon karaan Dacwad Madani oo u dhexeysa muwaadiniin kala duwan iyo Dacwad Ciqaabeed oo lagu qaado muwaadin loo heysto fal danbiyeed.

Mar wax laga weydiiyay talaabooyinka ugu haboon ee uu qaadi doono maadaama uu xilka ku cusub yahay ayuu sheegay in marka hore uu xal u raadin doono cabashooyin badan oo ka taagan dhanka cadaalada.

Waxa uu sheegay in dalka la doonayo ka dhaqan galinta cadaalada uu yahay dal burbursanaa ku dhawaad 30sano, waxa uuna tilmaamay inay u qorsheysan tahay in dib u habeyn lagu sameyo  dhamaan Hay’adaha garsoorka iyo in la sameeyo Golaha adeega Garsoorka.

Waxa uu sheegay inay ku guda jiraan sida lagu fududeyn lahaa fulinta xukunada kasoo baxa Maxkamada oo uu tilmaamay inay daahan inta badan.

Waxa uu tilmaamay inay wadaan qorsho lagu kordhinaayo miisaaniyada Garsoorka iyo daryeelka Garsoorayaasha, waxa uuna intaa raaciyay in la sameyn doono tababaro lasiinaayo Garsoorayaasha.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE

- Advertisement -

Read more

Local News