Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka dowladda ayaa faah-faahiyay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta, ayaa Madaxweynaha uga tanaasulay qeybo ka mid ah wax ka beddelka dastuurka.
Wasiir Xasan Macallin ayaa shaaciyay in Madaxweynaha uu mucaaradka uga tanaasulay in doorashada hoggaanka dalka ay noqoto baarlamaani, si dalka uga hirgasho doorasho qof iyo cod, isla markaana ay xubnaha baarlamaanka soo doortaan shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa lasoo jeediyay halkeedii ha lagu soo cesho, oo baarlamaanka Madaxweynaha ha doorto. Tanaasulkaas xukuumadda waa aqbashay waxayna ku aqbashay in baarlaamanka yahay mid la soo doortay oo ku yimaada qof iyo cod,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.
Tan ayaa meesha ka saaraysa in baarlamaanka ay soo xulaan ergada beelaha, sidii hore u dhici jirtay, isla markaana ay saameyn ku yeelan jireen hoggaannada maamullada.
“Meeshaas waxaa ka dhacay tanaasul, waxaana la isla gaaray in uusan noqon baarlamaankii doorashada dadban ku imaan jiray, oo qof iska soo qoran jiray, ayna noqoto mid ay dadweynaha soo doortaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay hanaan doorasho ee qof iyo cod ayaa raba inuu soo saarto mudaneyaal u damaanad qaadi kara soo laabashadiisa, sida ay qabaan xubnaha mucaaradka ee diidan heshiiskan, maadaama hanaankan doorasho uusan aheyn mid loo dhan yahay, isla markaana ay guddigeeda magacaabatay xukuumadda.
Si kastaba, heshiiska cusub ayaa sidoo kale dhigaya in hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada ay soo doortaan golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada.
Heshiiska ayaa waxaa kale oo qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.
Hoos ka daawo muuqaalka

