26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Daawo: Xildhibaan Xaadoole iyo Jacfar oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka wada tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay maanta ka dhex-tafatay, iyaga oo isku qabtay arrinta Gubta oo uu dhawaan deegaan rasmi ah u aqoonsaday Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Jacfar oo shalay tegay Gubta ayaa la hadlay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Murusade, isaga oo ugu baaqay inay iska diidaan maamulka lasoo magacaabay, isaga oo ku dooday in xaqooda la dudsiiyay.

“Gubta meeshi ahayd oo ognahay dadka deggan oo sida loo kala dagan yahay aan annagu naqaan in maanta la yiraahdo hal qof ayay Murusade maamulka ku leeyihiin inta kale dad laga yaqaabo inay na dhexmarin deegaanka inay maanta qayb ku yeeshaan wax xisaab ku yimiday ma’aha” ayuu yiri Jacfar.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Dowladu tan kaliya ma’aha hadda ayay imaaneysaa waa la’iska wareejinaa anaa idin sheegaa si gobanima leh ayaa wixiina u qaadaneysiin cidna ka tuugu maysiin”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo isna la hadlay dadka uu metalo oo uu sheegay inay dagan yihiin Gubta, wuxuuna ku dooday in deegaanka uu ka dhexeeyo labada beelood, ayna wada dagaan.

“Dhulkan oo ay dagan yihiin dadka aan xildhibaanka u ahay ayay sheegahaayaan dhulka ay leeyihiin oo ay goonida u sheeganayaan oo Murusade kaligiis leeyahay maha uu ku yaallo aniga ma qaano, Dayniile ayaa naga dhexeyso oo ay qayb ka dagan yihiin, Daarusalaam ayay naga dhexeyso” ayuu yiri Xaadoole.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Jacfar ee ku aadan lahaanshaha Gubta, taas oo abuurtay xiisadda taagan.

“Ninkan saaxkeeya ee Jacfar ah oo xalay aniga dadka igu kacshay oo aan ka hurdi waayay oo yiri Murusadow iska diida ee nimanka loo soo magacaabay Gubta yiri waa tuugtameen, ma tuugtamin ee adaa hadda been wado” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Mursade haddaa ku hadashay anne waxaa ku hadlaa gorgaarte hawiye”.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dibad-bax rabshada watay oo lagu diiday maamulka cusub uu ka dhacay halkaasi, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada ammaanka oo soo xiray dad shacab ah iyo wariyeyaal deegaanka Gubta u tegay inay soo tabiyaan xaaladda meesha ka jirta.

- Advertisement -

Read more

Local News