Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka HirShabelle waxaa ka taagan xaalad culus oo u dhexeysa maamulka iyo wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala gudaha magaaladaasi, kuwaas oo dhigay dibad-bax cabasho ah.
Darawallada ayaa sheegay inay ka cabanayaan go’aanno culus oo kasoo baxay HirShabelle, iyaga oo ku goodiyay inay sameynayaan shaqo joojin, haddii aan wax laga qaban cabashadooda.
Qaar kamid ah wadayaasha mootooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inay bixiyaan lacag canshuur oo billa ah, hadana aysan haysan waddo ay maraan.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in haatan lagu soo rogay go’aanno kale oo sharci ah, sida in ay goostaan Leesin, lagana rabo buugga iyo taargo lagu kala karto Bajaajta.
Dhalinyaradan ayaa dalbaday in arrintooda wax laga qabto, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal mudan in hoos loo eego xaaladdooda.
Intaas kadib waxaa cabashadan soo faragaliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka HirShabelle oo la hadlay dibadbaxayaasha, kuna qanciyay in maanta ay sii wataan shaqadooda, ayna joojiyaan dibadbaxa oo si weyn looga dareemay magaalada Jowhar.
Waxaa kale oo ay u ballan qaadeen in dib loogu laaban doono amarada soo baxay, iyaguna ay soo dirsadaan guddi la shira madaxda sare, si arrinta la’isula meel dhigo.
HirShabelle ayaa muddooyinkan wajaheysay dhibaatooyin gudaha ah, waxaana usii dheer xiisado syaasadeed oo haysta maamulka, maadaama la galayo doorasho guud.

