28.2 C
Mogadishu
Monday, November 10, 2025

Daawo: Xasan Sheekh oo diyaarad qaas ah looga qaaday Muqdisho una baxay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay safar didbadeed oo ku wajahan dalka Aljeeriya, waxaana diyaarad ah gaar ah looga qaaday garoonka caalamiga ah Aadan Cadde.

Diyaaradda qaaday Madaxweynaha oo ay soo dirtay dowladda Aljeeriya ayaa xalay soo caga dhigatay garoonka magaalada Muqdisho, waxaana sidaas ku bilowday booqashada rasmiga ah ee wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumaad rasmi ah ka helay dalkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay in Xasan Sheekh ay is arki doonaan dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo ay ballansan yihiin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xaaladda labada dal, xiriirka, Iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya, sida ay xaqiijiyeen ila wareedyadu.

Kulankan ayaa daba socda wada-hadallo bishii Augusta 10, 2025 dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhahay) iyo dhiggiisa dalka Aljeeriya Axmed Ataf oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarada diplomatisiiyiinta, iyo xoolaha.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa kulankaas inta uu socday isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo kahor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News