26 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Daawo: Xasan Sheekh oo maanta qorshihiisa doorasho uga faa’iideystay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeyb-galay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka degmooyinka gobalka Banaadir ayaa kumanaanka kun ee usoo daawasho tegay ciyaarta ka dalbaday inay usoo baxaan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa marka hore tilmaamay in isu-soo baxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xasan oo hambalyo u diray labada degmo ee Howl-wadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii is-dhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaad maanta haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna.”

Madaxweyne ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howl-wadaag ee ku guulaystay koobka, isagoo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku hawlan qabashada doorasho qof iyo cod, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta si adag uga horyimaadeen qorshahan iyo hanaanka ay dowladdu u wado, iyadoo sidoo kale ay bannaanka ka joogaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News