Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorasho hoosaadka ururka ee golaha deegaanka gobolka banaadir.
Doorashadan oo ku qabsoomtay hanaanka online-ka ayaa socotay laba maalmood, iyadoo xubnaha ururka ay u kala caddeeyeen musharaxiinta ku metalaya doorashada soo aadan.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, halka maalintii shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos uu codkiisa u dhiibtay.
Guddiga doorashooyinka KMG ee xisbiga ayaa sheegay in si guul ah kusoo idlaatay codeynta doorashada, taas oo ku dhacday si xalaal ah oo hufan, sida ay warbaahinta u sheegeen.
“Guddiga wuxuu ku amaanaya xubnaha iyo musharaxiinta sida ay u muujiyeen anshax wanaaga, dulqaad iyo ixtiraamka nidaamka ururka, taas oo cadeyn u ah bisayl siyaasadeed, dimuqraadiyadda ee gudaha ururka,” ayuu guddiga ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta JSP ee magaalada Muqdisho.
Gudduga ayaa sheegay in ay codeysay 90,992 qof, halka tirada musharaxiinta guud ee tartanka gashay ay dhan tahay 541 musharax.
“Natiijada rasmiga ah ee xubnaha ururka ee ku guuleystay inay kamid noqdaan liiska musharaxiinta uga qeyb-galaya ururka doorashada golaha deegaanka dib ayaa kasoo sheegi doonaa,” ayuu yiri guddiga.
Guddiga ayaa shaaciyay sida degmooyinka u kala heleen codadka la dhiibtay, kuwaas oo u dhignaa sidan:
- Degmada Hodan: 12,307
- Degmada Waaberi: 5,197
- Degmada Wadajir: 11,123
- Degmada Yaaqshiid: 7,238
- Degmada Shibis: 5,933
- Degmada Hawlwadaag: 5,835
- Degmada Dharkenley: 10,485
- Degmada Kaaran: 9,839
- Degmada Heliwaa: 4,398
- Degmada Boondheere: 3,557
- Degmada Wartanabadda: 3,272
- Degmada Dayniile: 3,100
- Degmada Shangaani: 2,460
- Degmada Cabdicasiis: 2,291
- Degmada Xamar-jajab: 2,128
- Degmada Xamar-weyne: 1,109
Hoos ka daawo muuqaalka:

