28.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Daawo: Xubnaha Madasha Mucaaradka oo maanta isugu tegay guriga Shariif + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa goordhow isugu tegay guriga Sheekh Shariif, halkaas oo ay haatan ku yihiin shir xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo qorshahooda.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif  ayaa waxaa looga arrinsanayaa qorshaha mucaaradka ee la xiriira dibadbaxii ay horay u iclaamiyeen, kaas oo loo ballansan yahay maalinta Khamiista oo ku beegan 9-ka October.

Xubnaha Madasha ayaa sidoo kale la hadlaya dadweyne kasoo qayb-galay kulankan oo lagu dardargelinayo qabsoomidda dibadbaxaas oo horay loo baajiyay, kadib markii ay xiisad ka dhalatay dagaalkii saldhiga Warta Nabadda.

Ujeedka dibadbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaallay gudaha caasimada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in mucaaradku ka hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan wada-hadalladii fashilmay ee ka dhacay Kismaayo ee u dhexeeyay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubbaland.

Arrinta dibadbaxa waxaa horay ugu baxay Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye kuwaas oo horseeday is-afgarad ka gaaro dibna loo dhigo, si loog baaqsado rabshado iyo dhibato ka dhacda gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa la isku raacay in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, oo kusoo aadeysa maalinta Khamiista ah.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbax nabdoon, lagana heshiiyo goobta iyo goorta uu dhici doono, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

- Advertisement -

Read more

Local News