26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Amiin Arts oo sawir gacmeed cajiib ah ku muujiyay qaabka wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha caanka ah Amin Camir ayaa waxa uu sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay Madaxweyne xasan sheekh iyo R/wasaare Cumar cabdirashiid.

Farshaxaniistaha ayaa waxa uu sawirkaasi ku cabiray in Madaxweyne xasan uu R/wasaaraha cusub ku cadaadinaayo in xukuumada cusub ay ka dhex muuqdaan 5 wasiir oo uu madaxweynaha u arko inay munaasab u yihiin shaqsiyaadka xilkaasi loo magacaabi lahaa, sida uu sawirka ku daabacay Amiin caamir oo inbadan saadaaliyay xukuumadihii dalka soo maray iyo tan hada jirta waxaana inta badan dhaca qaabka uu u cabiro sawiradiisa.

Hadaba Amiin caamir oo saaxiibo badan ku dhex leh sida muuqata Madaxtooyada soomaaliya ayaa waxa uu soo bandhigay Shan xubnood oo uu madaxweynaha ka dalbanaayo R/wasaare Cumar cabdirashiid waxa ayna kala yihiin:

1-Faarax cabdulqaadir Wasiirka Cadaalada

2-Fowsiyo xaaji aadan Wasiirka Arimaha dibada

3-Cabdikariin xuseen guled Wasiirka arimaha gudaha

4-Cabdulaahi sambaloolshe Wasiirka Amniga qaranka

5-Maryan Cariif Wasiirka dastuurka

Si kastaba ha ahaatee waxaa inta badan rumoowa qoraalada farshaxaniistaha waxa ayna tani daba soconeysaa qoraaladii uu horay u sameeyay, islamarkaana rumooway.

19_DEC_2014Q

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News