25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dabageed oo si layaab leh uga hadlay qaabka xilkiisa uu ku waayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, ayaa waxaa goordhow xil ka qaadistaasi ka hadlay mas’uulka xilka laga qaaday.

Dabageed, ayaa sheegay inaanu la socon sababta xilka looga qaaday iyo Meesha looga qaaday, waxa uuna sheegay in xil ka qaadistiisa uu ka maqlay keliya Idaacadaha.

Dabageed, waxa uu sheegay inuu aad ula yaabay markii uu maqlay in xilka laga qaaday isagoo hooygiisa jooga.
Dabageed, waxa uu tilmaamay in laga dhigay shaqsi diidan in xilka laga qaado, waxa uuna nasiib darro ku sheegay qaabka foosha xun ee xilka looga qaaday ogaanshi la’aan.

Dabageed waxa uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan kala tashan xilka qaadista uu ku sameeyay sidoo kalena uusan ku soo wargelin.

”Maalmihii ugu danbeeyay aad ayaan isugu dhaweyn haddana waxaan aad ula yaabay in xil ka qaadisteyda aan ka maqlay Idaacadaha”

”Sababta waxaan wax ka weydineynaa Madaxweynaha Hirshabelle waayo aniga maba la socon xil ka qaadisteyda”
Dabageed, ayaa waxaa xilka looga qaaday Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madxaweynaha maamulka Cusub ee Hirshabelle, waxa uuna Dabageed noqonoyaa shaqsigii ugu horeeyay ee xilka laga qaado.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay DFS taa oo ku aadan Xil ka qaadista Dabageed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News