25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dad badan oo ku dhintay diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Lix ruux ayaa ku geeriyooday Diyaarad yar oo sidday shaqaale caafimaad oo galabta ku dhacday xaafad ku taala duleedka magaalada Nairobi.

Diyaaraddu waxey ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Kenya ee ka warbixiyey shilkaan.

Dadka dhintay 4 kamid ah waxey ahaayeen dhakhaatiir diyaarada saarnaa, halka labada kalena ay ahaayeen dad ku sugnaa dhismaha ay diyaarada ku dhacday.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika.

Bishii Abriil ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.

Shalay Wasiirradii Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi, kadib markii ay la dhacday diyaarad Helikobter ah.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaas waxaa ka mid ahaa Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.

- Advertisement -

Read more

Local News