Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka degmada Kaxda ayaa ka warbixinyay howgal seddaxdii cisho ee la soo dhaafay ee ka socday degmadaas, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay dilka Taliyihii nabad sugida degmada Kaxda.
Cabdiweli Yuusuf Cumar oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay ka wadeen degmada Kaxda looga gun lee yahay siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Khaliif oo ahaa taliyihii nabad sugida ee Kaxda.
Taliyaha ayaa isaga iyo ciidamo kale waxa ay ku dhinteen weerar kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen degmada Kaxda seddax habeen ka hor.
“Maalmahan degmada waxaa ka socday howlgalo aan ku dooneyno in ammaanka ku xoojino iyo in aan ku soo qabano dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii nabad sugida” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.
Wuxuu kaloo uu sheegay guddoomiyaha in dadka la soo qabtay ay hadda ku socdaan baaritaan, isagoo intaas ku daray in cidkii lagu helo weerarkaas in loo wareejin doono hey’addaha ammaanka ee dalka si sharciga loo horgeeso sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu kaloo sheegay in la deen doono cid kasta oo dambi lagu waayo.
Degmada Kaxda ayaa dadka ku dhaqan waxa ay lee yihiin maalmihii dambe waxaa lagu soo daadiyay ciidamo fara badan kuwaasoo baara dadka iyo gawaarida.
Degmada Kaxda ayaa dhawaan ku soo biirtay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana degmo ahaan u aqoonsatay dowladdii kumeel gaarka ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho