Dad rayid ah oo markale lagu laayey GAALKACYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday dad rayid ah oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay gaari Rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Raggii ka dambeeyey falkaasi ayaa goobta isaga baxsaday aayar, sida aan wararka ku heleyno.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil.

Dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com