Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba nin oo shacab ah lagu dilay halkaas, kadib weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dableyda dilka geystay ay kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, isla markaana uu falkaasi la xiriiray aargoosi aano qabiil.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ee falka geystay ay si degdeg ah goobta uga carareen, halka deegaanka Huurshe iyo nawaaxigiisaba laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.
Dilka labadan qof ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii dambe ay sii kordhayeen falalka aanooyinka qabiilka ee ka dhacaya deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo ilaa hadda aan xal loo helin.
Maalmo ka hor, deegaanka Guudoole ee isla gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay haweeney 80 sano jir ah, halka wiilkeedii uu ku dhaawacmay, taasoo iyaduna la xiriirtay aano qabiil.
Qoyska oo ahaa reer guuraa ayaa waxaa markaas weeraray maleeshiyaad hubeysan oo si lama filaan ah rasaas oodda uga qaaday, kuwaas oo isla markiiba ka baxsaday deegaanka uu falku ka dhacay.
Dilkaas ayaa la sheegay inuu ahaa aargudasho loo geystay hooyadan iyo carruurteeda, taasoo la xiriirtay dil hore loogu gaystay hooyo kale iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, isla gobolkaas.
Kiiska ayaa gaaray maxkamadaha Galmudug, iyadoo si rasmi ah ula wareegtay Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud, kadib markii ehellada marxuumiinta iyo xeer-ilaalintu ay ku qanci waayeen xukun ay dhawaan soo saartay Maxkamadda Darajada 1-aad.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana dhowaan deegaanka Raxan-Reeble lagu dilay nin shacab ahaa, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegeen maalmo qura.

