Dad shacab ah oo qarax lagula beegsaday Baay

Baydhabo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay miino dad shacab ah maanta kula qarxay duleedka degmada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Ceeldheere, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inuu haleelay mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli ay marayeen waddadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qarxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed oo howlgallo miino baaris ah ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto cid ay soo qabteen.

Saraakiisha howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaano dheeraad ah, waxayna sheegeen inay suuragal tahay in miinooyin kale ay Al-Shabaab ku aaseen halkaas.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxd Al-Shabaab oo ku aadan qaraxaas ka dhacay duleedka Bardaale ee ay waxyeelada kasoo gaartay shacabka.

Inta badan degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool ayaa go’doon ugu jira Al-Shabaab oo weeraro khasaare geysta ka fulisa gobolladaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.