Dadaalka CC Shakuur uu ku jiro iyo hankiisa siyaasad waa laba is-diidsan (Aqri)

Haddii siyaasadda loo yeeli lahaa hal jumlo oo la’isku raacsan yahay in lagu qeexo mal aha waxaa loo doori lahaa “Siyaasadda dhaqan suuban ma leh!” oo afka Ingiriisiga ku noqoneysa ‘Politics has no morality!” Waxaan ugu araartay jumladaas ayaa ah in aan idinku hago dulucda qormadan kooban ee aan doonayo in aan ku cabiro hanyarida siyaasadeed ee siyaasiga qeylada badan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadaba inta aan u galin taabashada qodobada aan u cuskan doono hanyaridiisa siyaasadeed, aan wax idinka taabto dhaq dhaqaaqyadii siyaasadeed ee ugu dambeeyey dhawrkii maalmood.

1 – Waxa dhawr maalmood kahor soo gaadhay oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

2 – Waxaa lagu arkay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde xubo waa weyn oo tiro badan oo xisbiga Daljir ka tirsan sida gudoomiye ku xigeenka aqalka sare Abshir Bukhaari, dhammaatoodna waxaa ka muuqday hilow ay u qabaan Xasan Sheekh oo afartii sano ee uu joogay ka hadhsan waayey, sababna u ahaa iun laga adkaado, markii ay aas-aasee ololihii “Abgaal dambe maya”, walow aysan siyaasaddu lahayn dhaqan wanaagsan ‘Politics has no morality!’.

3 – Waxaa socda dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyey ee lagu unki lahaa isbahaysi mucaarad ah oo xoog badan oo uu hoggaamin doono Xasan Sheekh Maxamuud.

4 – Waxaa ku boohoobay isbahaysigaas, Daljir, Damujadiid, Wadajir, Horusocd iyo dhammaan kooxaha mucaaradka ah.

Qodobka afraad waxaad ka fahmi kartaa in dhammaan xisbiyadaas iyo kooxaha kale ee siyaasadeed uu hoggaamin doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. oo 2021 la loolami doona kooxda Nabad iyo Nolol.

Caasimadda Online oo la xiriirtay ilo aad ugu dhaw dhaw qaar ka mid siyaasiyiinta isku bahaysan raba dalladan ayaa u sheegay in  isbahaysigu u xuub siiban doono xisbi la loolama Nabad iyo Nolol oo dhawaan ku dhawaaqi doonta xisbigeeda.

Waxaa intaa dheer, in la’isku raacay murashaxa u tartami doona isbahaysigan la dhisayo kaas oo ah Xasan Sheekh Maxamuud.

HANYARIDDA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR!

Walow ay hore sida link-ga hoose aad ka aqrisan kartaan Caasimadda Online u heshay  xog hoose oo sheegeysay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur dowladda hadda jirta ku mucaaraday wasiirka arrimaha gudaha oo uu waayey, hadana xogtan waxa ay xaqiijienysaa in siyaasiga hankiisa ka sarreyn wasiirnimo.

Tusaale, iyada oo ay dadka dhageysta hadallada uu ka jeediyo dadka uu qurbaha kula hadlo, waxa ay ku tilmaamaan codkar, afmiinshaar ah, dadka soo jita, islamarkaana u muuqda nin raadinaya xilka madaxweyne ee dalka.

Hase ahaatee, haddii uu ku qancay in uu xubin ka noqdo isbahaysi uu majaraha u qabto Xassan Shiekh ama shaqsi kale, waxaa cad inuusan wasiir ka badan heleyn, sababta oo ah awood qeybsiga dalka ayaa u diidaya inuu noqdo ra’iisul wasaare haddii Xasan guuleysto.

Waxcaa yaab leh, isaga oo intan dagaal maraya, qarash badan bixinaya, socdaallo badan galaya, taageeroyaal badan oo dowladda hadda jirta neceb kasbanaya, side ku ogolaaday inuu hoos-tago Xasan Sheekh. Ma hankiisa ayaa yar, mise kalsooni xumo ayaa haysa? Waxa kaliya ee cad ayaa ah dagaalka uu ku jira Cabdiraxmaan iyo hankiisa siyaasadeed waa kala laba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com