25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dadka S/Land oo laga reebayo erayo xun oo ay ku hadlaan (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socda ololaha looga soo horjeedo aflagaadeynta Diinteena iyo Suubanaheena CW, iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa sanadihii u danbeeyay laga wacyi gelinayay waxyaabaha xun xun ee Diinta waxyeeleynaya.

Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebida Somaliland oo dadaal u galay sidii looga joojin lahaa dadka caadeystay waxyaabaha xun xun ee lagu aflagaadeynayo Diinteena ayaa shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen waxay ugu hadleen dhalinyaro weli dhaqankaasi ku danbeeya, iyagoo ku baaqay in laga hortago oo caddaalada la horkeeno qofkii lagu arko isagoo ku dhaqmaya waxyaabahaas.

Guddigan oo si mudadawacnimo ugu howlgala deegaanada Somaliland ayaa waxay dadka faraan wanaaga, waxayna ka reebaan xumaan sida aflagaadeynta Diinta, Suubanaheena iyo Allihii na abuuray oo dad badan afkooda ku waxyeeleeya.

Maxkamadda Hargeysa ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ku riday dad lagu soo qabqabtay howlgalo si wada jir ah u fuliyeen Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebida iyo ciidamada Booliska.

Magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha ugu badan ee guddigan ka howlgala, gaar ahaan goobaha Qaadka, Makhaayadaha iyo Majlisyada lagu qayilo ay dadka ugu qabtaan muxaadarooyin diini ah oo lagu wacyi gelinayo isla markaana lagu dabar goynayo wixii dhibaato iyo meel ku dhac ku ah Diinta.

- Advertisement -

Read more

Local News