27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

DAD-WEYNE carreysan oo la wareegay Guri-Ceel iyo dad toogasho lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Boqolaal dadweyne caraysan ayaa maanta oo khamiis ah la wareegay xarumaha maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dibadbaxyada ayaa ah kuwa lagu taageerayo maamulka Ahlusunna oo magaaladaasi ay ka saareen ciidanka DFS, bishii hore ee December, waxaana rabshadaha ay geeysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawca ah.

Ilaa labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada dowladda Soomaaliya dadka ku fureen, iyagoo doonayay in banaanbaxayaasha ay ku kala eryaan.

Dibadbaxayaasha ayaa galay xarumo ay kamid tahay mida maamulka degmada, waxaana ay jajabiyeen qalab xafiiseedkii yaalay, sida ay wararka sheegayaan.

Maamulka Ahlu-Sunna ayaa dhawaan laga saaray degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda federaalka ee uu hogaaminayo gudoomiyaha Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye Cirfo.

Xaaladda degmada guriceel ayaa wali ah mid kacsan, waxaana wadooyinka buux dhaafiyay boqolaal dibadbaxayaal ah oo wata dhagxaan iyo boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan joogista ciidanka DFS ee degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News