Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu Habeenimadii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Dagaalka oo muddo kooban socday, ayaa dhacay ka dib markii uu is qabqabsi soo kala dhex galay laba maleeshiyo beeleed, oo deegaanka ah.
Dagaalka ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay C/laahi Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in laba maleeshiyo beeleed, ay xalay ku wada dagaalantay Koonfurta Magaalada Galkacyo.
C/laahi Aadan oo dagaalka ka hadlaayay waxa uu yiri “Waa laba maleeshiyo beeleed waxa dagaalamay, mid ka mid ah waxay dooneysay inay qaado jidgooyo ay midda kale soo dhigatay Koonfurta Magaalada Galkacyo, sidaas ayuuna dagaalka u dhacay.”
Sidoo kale wuxuu yiri “Xaalada markii dambe caadi bay ku soo laabatay, waayo Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa soo kala dhex galay. Hadda xaaladu way degan tahay.”
C/laahi Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Dadku aad buu uga walaacay, waxa uun baa la maqlay rasaasta oo labada dhinac is qabsatay. Qof kasta wuxuu ku cararay gurigiisa.”
Dhanka kale, Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyeen in hal ruux uu ku dhintay iska horimaadka, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, walow aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]