28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Beled-Xaawo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Warar goor dhow inaga soo gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedoayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland uu ka qarxay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya saaka, illaa xalay ay go’doomiyeen xerada BP1 oo ay dagan yihiin ciidamo uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay madaafiic ka mid yihiin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaafadaha qaar ay haatan gubanayaan, kadib markii ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka taagnaa xiisado u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda oo la wareegay degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net

- Advertisement -

Read more

Local News