25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Dagaal culus oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macwiisleyda HIIRAAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo laba maalmood socday, kaasi oo maanta xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaca xadka labada gobol. Iska horimaadkan oo qaatay in ka badan lix saacadood ayaa dhex-maray ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si toos ah u socday gelinkii hore ee maanta, waxaana la sheegaya in rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla agagaarka goobta lagu dagaallamay.

Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku waayeen tiro askar ah, inkastoo aan weli la helin tirakoob rasmi ah oo madax-bannaan. Si kastaba, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in maydad iyo dhaawacyo badan la arkayay kaddib dagaalka.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalka maanta lagu dilay Cabdi Yuusuf Salaad, oo loo yaqaanay Cabdi Goomey, kaasoo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee ciidanka deegaanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle. Geerida sarkaalka ayaa si weyn looga dareemay gudaha ciidamada deegaanka iyo bulshada taageerta.

Cabdi Goomey ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo si weyn uga dhex muuqday dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Goomey ayaa horey loogu abaalmariyay qadar lacageed oo badan, kadib markii uu madaxa kasoo jaray xubno sare oo kooxda ka tirsanaa, gaar ahaan madaxii Maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa degmada Moqokori.

Al-Shabaab ayaa si cad u sheegatay masuuliyadda dilka Cabdi Goomey, iyagoo tilmaamay in muddo dheer ay ku raad joogeen una arkayeen cadow muhiim ah.

Kooxda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “weerarka maanta guul weyn u yahay,” taasoo muujinaysa sida uu u weynaa doorka uu sarkaalkani ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda, oo haatan wajaheysa dagaal culus oo iska kaashanayaan geesiyaashada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News