Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka qarxay deegaanka Ceel Hareeri oo ka tirsan degmada Moqokori.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo dagaalku ka socda gudaha iyo duleedka deegaankaas muhiimka ah.
Isku dhaca ayaa bilaabmay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisin ay ciidamada Macawiisleyda ku lahaayeen deegaanka Ceel Hareeri. Macawiisleyda ayaa si deg-deg ah ugu jawaabtay iska caabin xooggan, taasoo sababtay in dagaalka uu sii fido oo ay labada dhinac isku adeegsadaan hub culus.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta dagaalka ayaa tilmaamaya in ciidanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle ay si adag u difaaceen fariisinkooda, iyagoo iska caabin xooggan ku sameeyay weerarka kooxdu soo qaaday.
Inkastoo aan wali la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, haddana dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayo meelo fog-fog.
Dagaalka weli wuu socda, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xooggiisa uu haatan ku fiday duleedka deegaanka Ceel Hareeri. Arintani waxay sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalku uu galaafto nolosha dadka shacabka ah ee deegaanka ku nool, maadaama uu yahay dagaal si buuxda uga socda agagaarka deegaankaas.
Deegaanka Ceel Hareeri ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal culus, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ku dhax-maray dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Macawiisleyda Xawaadle.
Dagaaladaasi ayaa lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay ku waayeen in ka badan 70 dagaalame, taasoo muujinaysa in deegaankaasi uu muhiim u yahay istaraatiijiyadda dagaalka.
Xiisadda ka taagan Ceel Hareeri ayaa muujinaysa sida ay u sii xoogeysanayaan iska caabinta dadka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada Macawiisleyda oo ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda ayaa markale muujiyay adkeysi iyo dadaal joogto ah oo ku aaddan difaaca dhulkooda iyo dadka deegaanka.