Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si weyn toddobaadkan u sii xoojisay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka difaaca iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Tan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya ay yeesheen wada-hadal dhanka taleefanka ah Sabtidii la soo dhaafay, taasoo lagu muujiyay adkeynta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ankara ay Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak.
Diyaaradahan ayaa qeyb weyn ka noqon doona dadaalka socda ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, si loo sugo amniga gudaha iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Turkiga ayaa ciidamada badda Soomaaliya ku wareejiyay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah, taasoo qayb ka ah heshiis iskaashi militari ah oo labada dal kala saxiixdeen bishii February ee sanadkan 2024.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu taageero tababarka iyo horumarinta ciidamada badda Soomaaliya si ay u noqdaan ciidan leh awood dheeraad ah oo difaac ah.
Dowladda Turkiga ayaa horey u bilowday barnaamij tababar oo ay siiso duuliyayaal Soomaali ah, kuwaasoo loogu talagalay in ay u shaqeeyaan diyaaradaha Helicopter-ka ee loo keenayo dalka. Duuliyayaashaasi ayaa hadda dhameystay tababarkoodii heerka ugu dambeeyay, taasoo keentay in diyaaradaha cusub la geeyo Muqdisho si ay uga qeyb qaataan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.
Diyaaradaha Atak ee ay Turkigu ku taageeray Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu tala-galay howlgallo adag oo lid ku ah kooxaha hubeysan, taasoo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay heleen qalab militari oo muhiim u ah dagaalka ay ku jiraan.
Waxaa la filayaa in diyaaradahaasi ay si toos ah ugu biiraan hawl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, taasoo sare u qaadeysa awoodda hawada ee ciidanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada.
War rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijiyay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyadoo Turkigu ka go’an yahay in uu door muuqda ka ciyaaro dib-u-dhiska iyo amniga Soomaaliya.

