26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Mareykanka iyo Iran ee Switzerland?

Bookmark
Bookmarked

Share

Burgenstock (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay in la bilaabo tallaabooyin cusub oo lagu yareynayo xiisadda u dhexeysa iyo sidoo kale dagaallada ka socda dalka Lubnaan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib wada-hadallo ka dhacay Switzerland, gaar ahaan magaalada Burgenstock, waxaana dhexdhexaadiyay Qatar iyo Pakistan. Wada-hadalladaas waxaa hoggaaminayay JD Vance oo Mareykanka ka socday iyo Mohammad Bagher Ghalibaf oo hoggaaminayay wafdiga Iiraan.

Labada dhinac waxay isku raaceen in la sameeyo khad isgaarsiineed oo toos ah si looga hortago qaladaad ama iska horimaad ka dhaca marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah shidaalka adduunka. Sidoo kale waxay dhiseen guddi gaar ah oo nabad ilaalin ah oo ka shaqeynaya sidii loo joojin lahaa dagaalka Lubnaan.

Guddigan Lubnaan waxaa loogu talagalay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada si loo hubiyo in xabad joojin la ixtiraamo, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi oo qoraal baahiyay markii ay soo dhammaadeen wadahadallada shalay furmay , ayaa si cad u sheegay inay Iiraan heshay waxa ay ka doonaysay wadahadallada ay kula jirto Mareykanka, isagoo marka boggaadiyay labada dal ee dhex dhexaadiyay wadahadalladan ee Pakistan iyo Qatar.

Wuxuu yiri;

“Dhexdhexaadinta joogtada ah ee Pakistan iyo Qatar waxay keentay horumar weyn oo lagu soo afjarayo dagaalka Lubnaan.”

Wuxuu intaas ku daray;

“Dhoofinta shidaalka Iiraan iyo kiimikooyinka laga sameeyo batroolka ayaa laga qaaday xayiraadaha.

Go’doomintii la saaray Iiraan waa la qaaday.

Qaar ka mid ah hantidii Iran ee la xannibay ayaa la sii daayay.

Waxaa kaloo uu sheegay;

“Waxaa la bilaabay qorshe weyn oo dib-u-dhis iyo horumarinta Iiraan.”

Sidoo kale wuxuu sheegay;

“Tijaabada ugu horreysa ee dhabta ah ee heshiiskan waxay noqon doontaa guddiga isku-duwidda amniga iyo ka hortagga weerarrada ka dhaca Lubnaan.”

Si kastaba, wada-hadallada ma ahayn kuwo si fudud u bilaabmay. Waxaa jiray xiisad markii Trump uu jeediyay hadallo hanjabaad ah oo ka dhan ah Iiraan, taasoo keentay in wafdiga Iiraan ay si ku-meel-gaar ah uga baxaan shirka, inkastoo markii dambe ay dib ugu soo laabteen wada-hadallada.

Guud ahaan, heshiiskan is-afgaradka ah waa isku day lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Bariga Dhexe, lana bilaabo wadahadal joogto ah oo lagu gaaro heshiis buuxa oo muddo 60 maalmood gudahood ah la doonayo in lagu dhameeyo. Wadahadallada farsamada ayaa la filayaa inay ka sii socdaan toddobaadkan gudaha Switzerland.

W/Q Iman Jama

- Advertisement -

Read more

Local News