25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Natiijada doorashadii dalka Itoobiya oo la shaaciyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa guul weyn ka soo hooyay doorashadii guud ee dalka ka dhacday, kadib markii xisbigiisu uu sii haystay aqlabiyadda rasmiga ah ee baarlamaanka. Doorashadaas waxaa hareeyay iskahorimaadyo, eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, iyo ka qeybgal aad u hooseeyay oo ay sameeyeen xisbiyada mucaaradka.

Xisbiga Barwaaqada ee Abiy ayaa ku guuleystay 438 ka mid ah 501 kursi oo lagu tartamay. Natiijadan ayaa ka dhigan in xisbigu dhisi doono dowladda cusub, iyadoo Abiy loo dhaarin doono muddo-xileed kale billowga bisha Oktoobar. Arrintan ayaa dhiirrigelin u ah taageerayaasha Abiy, kuwaas oo aaminsan inuu sii wadi doono guulaha dhaqaale ee uu hormuudka ka ahaa.

Laakiin dhinacyada qaar ayaa ka cabsi qaba in kala qeybsanaanta gudaha iyo caqabadaha amni ee haysata Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, ay ka sii dari karaan inta uu Abiy hoggaanka hayo.

Hoggaamiyahan 49-jirka ah ayaa markii ugu horreysay talada dalka qabtay sannadkii 2018, kadib dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday dowladda. Markii hore waxaa lagu ammaanay dadaalkiisii ahaa inuu bogsiiyo kala qeybsanaanta bulshada, inkasta oo tallaabooyinkiisu ay caro geliyeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka waqooyi ee Tigray, kuwaas oo dalka maamulayay in ka badan labaatankii sano ee ka horreeyay.

Sannad kaddib, wuxuu ku guuleystay Billadda Nabadda ee Nobel-ka, gaar ahaan dadaalkii uu ku soo afjaray colaaddii muddada dheer kala dhexeysay Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea.

Laakiin khubarada amniga ayaa ka cabsi qaba in dalku dib ugu laaban karo dagaal, halka kacdoonnada rabshadaha wata ee dhimashada sababay ee ka jira gobollada Amxaarada iyo Oromada aysan u muuqan kuwo dhammaanaya.

Maalintii doorashada, 143 xarun codbixin ayaa la furi waayay labada gobol ee ugu dadka badan dalka, sababo la xiriira walaac amni oo ka dhashay kooxo hubeysan oo la dagaallamaya dowladda. Maleeshiyada Fano ee Amxaarada iyo Jabhadda Xoreynta Oromada ee hubeysan, OLA, ayaa labaduba diiday doorashada iyo natiijadeedaba. Xaaladdu sidoo kale waa mid walaac laga qabo gobolka Tigray, oo weli ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo laba sano qaatay, kaas oo dhammaaday sannadkii 2022.

Gobolka Tigray iyo lixda milyan ee qof ee ku nool, oo ay ku jiraan 38 deegaan doorasho, ayaa gebi ahaanba laga saaray hannaanka doorashada, iyadoo laga cabsi qabay in dagaal kale uu dib u qarxo. Tigray waxay xuduud la leedahay Eritrea, waxaana intii uu dagaalku socday ciidamada Eritrea ay xulufo la ahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya. Ciidamada Eritrea waxaa lagu eedeeyay tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Tigray, hase yeeshee eedeymahaas way beeniyeen.

Isku soo wada duuboo, xaaladda Itoobiya xilligan waa mid adag, iyadoo colaado baahsan ay ka jiraan gobollada Amxaarada, Oromada iyo Tigray. Kooxaha hubeysan ee gobolladaas ka dagaallama ayaa diidan nidaamka uu Abiy Ahmed ku hoggaamiyo Itoobiya, taas oo horseedi karta caqabado culus oo soo wajaha ra’iisul wasaaraha dib loo doortay.

- Advertisement -

Read more

Local News