Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay go’aan culus ayaa mamnuucday in maanta kadib hub culus lagu dhex wato magaaada Muqdisho, kaas oo si isku mid ah u saameynaya mas’uuliyiinta xilalka haya iyo kuwa mucaaradka.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta guddoomiyay shir muhiim ah ayaa soo hadal qaaday arrinta hubka, wuxuuna sheegay in si rasmi ah looga joojiyay Muqdisho.
Fartaag ayaa sheegay in haatan uu soo hagaagay amniga caasimada, isla markaana muhiimaddu ay tahay in loo hogaansamo amarka soo baxay, si looga looga hortago in muuqaallo aan wanaagsaneyn laga gudbiyo dalka.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in xittaa Golaha Wasiirrada ay isticmaali doonaan ilaalo kooban, isla markaana lagu waardiyeyn doono Bistoolado.
“Soomaaliya waa ka gudubtay in Wasiirada wataan hub waa wayn, waxaa kaliya ku filan laba askari oo wata hub fudud, sida Bastooladaha” ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inuu socdo qorshe guud oo lagu dhimmayo tirada ilaalada gaarka ah ee la socota masuuliyiinta dowladda iyo gaadiidka dagaalka ee ay isticmaalaan ma’uuliyiinta iyo xubnaha mucaaradka.
Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday howlgal ballaaran oo hub ka dhigis ah, iyadoo inta badan lagu beegsaday xubnaha mucaaradka ee dhawaan dagaalka culus Muqdisho kula galay ciidamada ammaanka.
Si kastaba, tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah oo ay taagan xiisad culus oo u dhexeyso Villa Somalia iyo mucaaradka oo isku hayan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

