Hargeysa (Caasimada Online) – Idiris Aadan Raage oo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen ayaa lagu afduubtay gudaha magaalada Sanca, sida ay sheegeen qoyska Idiris.
Ehelada Idiris ayaa sheegay in mas’uulkan uu ku jiro xabsi tan iyo 13-kii June, iyadoo illaa iyo hadda aan la helin wax xiriir ah ama xog rasmi ah oo ku saabsan halka lagu hayo iyo xaaladdiisa caafimaad iyo amni toona.
Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii la xiray aan loo oggolaan inuu la xiriiro qoyskiisa, isla markaana aysan jirin cid si rasmi ah ugu sheegtay sababta ka dambeysa xariggiisa.
“Idiris wuxuu ahaa wakiil rasmi ah oo haysta ruqsad sharci ah oo uu ku gudanayay waajibaadkiisa, taas oo kiiskan siinaysa dhinac diblomaasiyadeed oo u baahan hufnaan iyo faahfaahin dheeraad ah,” ayey sheegeen ehelada mas’uulkan.
Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Yemen ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan sababta loo xiray wakiilka Somaliland ama tallaabooyinka sharci ee laga qaaday, taas oo sii kordhisay walaaca qoyskiisa iyo dadka la socda xaaladdiisa.
Qoyska Idiris Aadan Raage ayaa ugu baaqay hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u sheegaan halka uu ku sugan yahay iyo xaaladdiisa, loona oggolaado inuu la xiriiro ehelkiisa, iyagoo ku adkeeyay in arrinta loo maareeyo si waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da bani’aadannimada.
Xarigga Idiris ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland safar ku tegay Israa’iil, isagoo magaalada Qudus ka furay xafiis uu ku sheegay safaaradda Somaliland ee Israa’iil.
Si kastaba, illaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Yemen oo xaqiijineysa ama sharaxeysa xarigga Idiris Aadan Raage, waxaana xaaladda mas’uulkan weli hareeyay su’aalo iyo hubanti la’aan ku saabsan halka uu ku sugan yahay iyo sababta loo xiray.

