27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin ugu baxay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan hore loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaas kulammo kula yeesho madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka.

Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in safarkan uu diiradda saarayo arrimo la xiriira amniga, siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo xaaladda guud ee gobolka, xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu magaalada Nairobi kula kulmo madax ka tirsan dowladda Kenya iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulamadaas.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Doodaha ku saabsan nooca doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanayay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradkuba ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, Villa Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan safarka madaxweynaha ee Kenya iyo ujeeddooyinka rasmiga ah ee ka dambeeya. Hase yeeshee, safarkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo muranka la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xiriir wanaagsan oo labada dhinacba muhiimad gaar ah u leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

- Advertisement -

Read more

Local News