Dhuusamareeb (Caasimada Onlien) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb weli ka socda wada-hadallo xasaasi ah oo galay maalintii labaad, kuwaas oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad.
Wada-hadalladan oo socday shalay iyo maanta ayaan weli laga gaarin wax natiijo ah oo la taaban karo, iyadoo dhinacyadu ay isku mari la’ yihiin habka loo maareynayo xilliga kala-guurka ah ee Galmudug iyo in Qoorqoor uu ka tanaasulo tartanka doorashada madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay tartan doorasho oo furan, isagoo caddeeyay inuu soo dhoweynayo musharrax kasta oo la tartamaya, balse uusan marnaba ka tanaasuli doonin ka qeybgalka tartanka madaxtinnimada.
Labada dhinac ayaa weli isku khilaafsan hannaanka iyo mudeynta doorashada soo socota, taas oo keentay in wada-hadalladu ay jiitamaan.
Maadaama aan weli wax isku soo dhowaansho ah laga gaarin is-afgaradka, labada dhinac ayaa ku ballamay inay kulamo kale isugu soo laabtaan maalinta berri ah, si loo sii ambaqaado wada-hadallada, loona raadiyo xal siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca kale, khilaafkan taagan ayaa si toos ah u saameeyay qorshihii safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyaha NISA, Mahad Salaad, oo la sheegay inuu taageerayo musharraxa Villa Somalia ee madaxtinnimada Galmudug, ganacsade Liibaan Shuluq, uu doonayo in Qoorqoor looga dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa, iyadoo taas beddelkeeda loo bandhigayo shuruudo iyo ballanqaadyo dhaqaale. Arrintan ayaa weli la isku fahmi la’ yahay.
Waxaa markii saddexaad dib u dhac ku yimid safarka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo imaatinkiisa lagu xiray in marka hore xal waara laga gaaro wada-hadallada u dhexeeya Qoorqoor iyo Mahad Salaad.
Siyaasadda Galmudug ayaa hadda mareysa marxalad xasaasi ah, waxaana isha ku haya shacabka iyo madaxda heer federaal, iyadoo la dhowrayo isbeddelka ay keeni karaan kulamada berri loo qorsheeyay.

