24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Mareykanka iyo Qatar oo billaabay tallaabo ay Iiraan ku heleyso balaayiin dollar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online — Mareykanka ayaa Qatar kala shaqeynaya qorshe Iran loogu oggolaanayo inay hesho balaayiin dollar oo lacago xayiran ah, si loogu adeegsado kharashaad bani’aadannimo, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Qorshahan, oo aan weli la dhameystirin, ayaa qeyb ka ah dhiirrigelin dhaqaale oo hore loogu daray heshiiskii dhowaan la saxiixay ee lagu joojinayay dagaalka, isla markaana dib loogu furayay wadahadallada la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran.

Sida qorshuhu dhigayo, Iran ayaa marka hore heli karta awood ay ku isticmaasho $6 bilyan oo dollar oo ku xayiran Qatar. Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa iibsiga cunto, dawo iyo agab kale oo bani’aadannimo, iyadoo dalabyada ay sameyn doonto bankiga dhexe ee Iran, halka Qatar ay maamuli doonto habka lacagta loogu bixinayo alaabahaas.

Lacagahan ayaa intooda badan ka yimid iibka saliidda Iran, balse waxaa muddo dheer lagu xanibay dalal dibadda ah sababo la xiriira cunaqabateyn Mareykan ah. Dadka xogta haya ayaa sheegay in habkan Qatar laga hirgelinayo uu noqon karo tusaale lagu maareeyo lacago kale oo Iran uga xayiran dalal kala duwan.

Tehran ayaa lagu qiyaasaa inay dunida ka xayiran yihiin ku dhowaad $100 bilyan oo dollar, halka ay si degdeg ah u dooneyso in loo fasaxo ugu yaraan $24 bilyan oo ka mid ah lacagahaas.

Si kastaba, Iran weli ma aysan aqbalin habka cusub ee la doonayo in lagu sii daayo lacagaha ku xayiran Qatar. Qorshahan ayaa ka mid ah fikrado dhowr ah oo Washington la filayo inay miiska keento labada bilood ee soo socda, xilli Mareykanka iyo Iran ay dib u bilaabayaan wada-hadallo nukliyeer oo daba socda heshiiska lagu hakiyay dagaalka.

Sanam Vakil, oo ah agaasimaha Bariga Dhexe ee machadka Chatham House ee London, ayaa sheegtay in xitaa sii deynta xaddidan ee lacagaha xayiran ay Iran u noqon karto neef dhaqaale, isla markaana ay xambaarsan tahay farriin siyaasadeed oo muujineysa dejin xiisadeed.

“Xitaa sii deynta xaddidan ee hantida xayiran waxay u shaqeysaa sidii halbowlayaal dhaqaale iyo farriimo siyaasadeed oo muujinaya xiisad yareyn,” ayay tiri Vakil. Waxay intaas ku dartay in tani ay ka mid tahay dhiirrigelinnada la taaban karo ee Iran ka heli karto Washington, si ay u dejiso lacagta gudaha una yareyso cadaadiska dhaqaale ee ka jira dalka.

Hase yeeshee, qorshahan ayaa weli wajahaya caqabado badan. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa Khamiistii sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu aqbalay in la hakiyo colaadda sababo la xiriira “quus.”

Hadalkaas ayaa u muuqday inuu caro geliyay Trump, oo qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay: “Annaga ma aanan kulmin quus, Iran ayaa sidaas sameysay. Way dhammaadeen. Waxaan sugaynaa 60-ka maalmood. Wax lacag ah ma helayaan, xitaa toban senti ma helayaan.”

Heshiiska uu Trump Arbacadii saxiixay ayaa dhigaya in Mareykanka uu ka shaqeyn doono in hantida Iran ee xayiran si buuxda loogu diyaariyo adeegsigeeda, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan habka arrintaas loo fulinayo.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in lacagaha ay dhaqaaqi doonaan haddii Iran ay si wax ku ool ah uga qeyb qaadato wada-hadallada. Qorshaha Qatar ayaa sidaas darteed noqonaya tijaabo hore oo lagu cabbirayo sida Washington ay u siin karto Tehran marin dhaqaale, iyadoo weli gacanta ku haysa kormeerka iyo xakameynta habka lacagta loo adeegsanayo.

Qorshahan ayaa sidoo kale ka baxsan lacagaha kale ee Iran la filayo inay ka hesho iibka saliidda, kadib markii Washington ay oggolaatay in la fududeeyo xayiraadaha qaarkood isla markii heshiiska la saxiixay. Labada arrimoodba, Mareykanka ayaa la filayaa inuu bixiyo ka-dhaafisyo cunaqabateyn iyo oggolaansho sharci oo fududeynaya macaamillada.

Dadka dhaliilsan heshiiska ayaa ku doodaya in Washington ay Tehran siineyso faa’iidooyin dhaqaale oo waaweyn ka hor inta aysan Iran sameyn tanaasul dhab ah oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hase yeeshee, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo mas’uuliyiin kale oo difaacaya heshiiska ayaa sheegaya in tallaabadu ay yareyn karto cadaadiska saaran dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan haddii ay gacan ka geysato furitaanka marin-biyoodka Hormuz, oo muhiim u ah saliidda dunida.

Waxay sidoo kale ku doodayaan in qorshahan uu ka hortagi karo dagaal kale, isla markaana uu xaddidi karo faa’iidooyinka dhaqaale ee Iran ilaa ay horumar ka sameyso dalabaadka Mareykanka.

Trump ayaa Arbacadii, isagoo ka hadlayay shirkii G7 ee ka dhacay Faransiiska, sheegay in lacagahan ay asal ahaan leeyihiin Iran, inkastoo Mareykanku uu xayiray.

“Lacagtooda ayaan qaadnay, ma ahan lacagteena, waa lacagtooda, waana xayirnay,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. “Mar uun waxaan filayaa inaan dib ugu celin doonno.”

Lacagaha Iran ayaa ku xayiran dalal ay ka mid yihiin China, India, Iraq iyo Qatar. Sanadkii 2023, maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa bixiyay ka-dhaafis cunaqabateyn oo oggolaaday in $6 bilyan oo dollar oo ka yimid iibka saliidda Iran laga soo wareejiyo South Korea loona gudbiyo Qatar.

Arrintaas ayaa qeyb ka ahayd heshiis Iran ku sii deysay shan muwaadin oo Mareykan ah oo ay haysatay. Lacagahaas waxaa loogu talagalay in lagu iibsado alaabo bani’aadannimo, balse Biden ayaa dib u xayiray kadib weerarradii 7-dii October 2023 ee Xamaas ku qaaday koonfurta Israel.

Wada-hadallada cusub ee lagu doonayo in lacagaha Qatar yaalla dib loogu hawlgeliyo ayaa bilaabmay dhammaadkii May, markii guddoomiyaha baarlamaanka Iran ahna wada-xaajoodaha sare, Mohammad Bagher Ghalibaf, uu wafdi u hoggaamiyay Doha, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka ah.

Wadahadalladaas ayaa la sheegay inay dib u kiciyeen dadaalladii lagu gaarayay heshiiska is-afgaradka ah ee Mareykanka iyo Iran.

Iran ayaa si weyn ugu baahan lacag adag oo ajnabi ah, xilli dalkaas uu wajahayo sicir-barar xooggan, hoos u dhac ku yimid lacagtiisa gudaha iyo cadaadis dhaqaale oo ballaaran.

Helitaanka qayb ka mid ah lacagaha xayiran ayaa Tehran ka caawin karta inay soo iibsato alaabooyin muhiim ah, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dib-u-habaynta dhabta ah ee dhaqaalaha Iran ay u baahan tahay qaadista cunaqabateyn ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News