Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqablka Soomaaliya oo goordhow bayaan soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay asnixiyeen hannaan doorasho toos ah oo dalka looga samatabixinayo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee xilligan adag uu ku jiro.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in go’aankan uu ku yimid tanaasul ay sameeyeen, iyaga u turaya shacabka, si looga heshiiyo khilaafka taagan.
“Go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah tanaasul siyaasadeed iyo u turida shacabka Soomaaliyeed ee hammuunta u qaba in si deg-deg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in hannaankan cusub uu iswaafajinayo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah oo toos u doortaan wakiilladooda, iyadoo la ilaalinayo hab-qaybsiga matelaadda beelaha ee 4.5.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in faah-faahinta qorshahan ay soo bandhigi doonaan marka ay bilowdaan wadahadallada siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka muddada dheer hareeyay hannaanka doorashooyinka.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka dalbadeen inuu marka hore joojiyo doorashooyinka uu ku howlan yahay oo ay tilmaameen in natiijadooda ay yihiin kuwa lasii ogyahay.
“Goluhu wuxuu adkeynayaa in la joojiyo doorashooyinka hal dhinac ah ee natiijadooda horay loo sii asteeyay ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si loo najixiyo wadahadalkada hannaanka doorashada tooska ah, kaas oo xaqiijin kara in codka shacabka Soomaaliyeed uu noqdo saldhigga sharciyadda siyaasadeed,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Go’aankan ay soo saareen xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, iyada oo khilaafka mucaaradka iyo dowladda uu isku rogay gacan ka hadal, kadib dagaal dhawaan ku dhex-maray xaafado ka tirsan Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.


